UNTMIS, oo ah howlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nidaamka daba-dhilifyada Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u gudo-galay soo afjaridda mashaariicdii uu muddada dheer ka waday dalka, oo laf-dhabar ay u ahayd dhaqan-gelinta dimuqraadiyadda.
Wasiirka waxa loogu yeero Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee kooxda Villa Soomaaliya, ninka lagu magacaabo Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay wafdigan ka socday Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlay soo afjaridda hawlgalka dhidibbo-u-taagidda dimuqraadiyadda ee UNTMIS.
Haweenay lagu magacaabo Nasrin Khan oo ah madaxa waaxda ku shaqada leh ku-dhaqanka shuruucda gaallada iyo hey’adaha amniga ee hawl-galka UNTMIS, ayaa hoggaaminaysay weftiga UN-ka, kuwaas oo xafiiskiisa kula kulmay wasiir-ku-sheegga cadaaladda ee maamulka Gurguurte.
Kulankan oo la sheegay inuu ahaa mid sagootin ah, ayaa diiradda lagu saaray dhammaadka hawlgalka UNTMIS iyadoo wasiirka kooxda Villa Soomaaliya uu goobtaasi ka sheegay in maamulkoodu uu sii wadi doono hawlihii uu xafiiskani ka hayay Soomaaliya ee dhaqan-gelinta dimuqraadiyadda.
Dhammaadka sannadkan 2026 ayaa sidoo kale ku eg muddada loo asteeyay soo afjaridda xafiiska UNSOS ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada saadka ee ciidamada Afrikaanta ee duullaanka gardarrada ah ku jooga dalka Soomaaliya, inkastoo muddada tabaabushaha bixitaan ee xafiiskan ay wararka qaar sheegayaan in Maraykanku uu ugu kordhiyey muddo 12 bilood ah.
